Waad ku mahadsan tahay daneyntaada guryaha Aeon. Aeon waxay dooneysaa inay guryo tayo leh, qiimana jaban u diyaariso dadka degan magaalooyinka mataanaha ah (Twin Cities). Qof kasta waxaa looga baahan yahay waxyaalaha hoos ku qoran marka laga reebo guryaha loogu talo galay Dadka hooy laawaha ah iyo dhalinyarada. Fadlan, wac dhismaha aad daneynayso si aad u hesho faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan waxyaabaha la isaga baahan yahay.
- Waa in rikoorkaaga kireystuhu wanaagsan yahay. Waa in maamulaha gurigu heli karaa cadeyn rikoorkaaga kireystaha.
- Waa in daqligaagu bixin karaa kirada.
- Boonada dowladda (Section 8 vouchers) waan aqbalnaa.
- Codsiga guryaha waxaa ka mid ah in la baaro, dambi, aamin (credit) iyo rikoorka kireystaha waxaana dhici kara in lagaa la hadlo arimahaas.
- Waa inaad sameysaa lacag aan ka badneyn xadka ama cadadka loo ogolyahay guriga aad dooneyso. Dhamaan guryahay Aeon dakhli xadidid ayaa jira waxayna ku xiran tahay inta uu qoyskaagu le'eg yahay.
Aeon ma bixino guryaha deg degga ah (emergency), habeynkii loo soo hoydo (shelter). Haddii aad dooneyso guri aad habeyn seexato, fadlan, wac call First Call for Help toll-free at 211. |